Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in howlgalo ay ciidamada amniga ka sameeyeen deegaano ka mid ah gobalkaasi ay kusoo qabteen dad lala xiriirinaayo in ay ku lug leeyihiin falalka amni daro ee ka jirta halkaasi.
Cali Nuur Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay xooga saareen sidii ay Isbaarooyinka u qaadi lahaayeen.
Ahmiyadda ugu horeysa ayuu sheegay in ay tahay wadooyinka lagu dhibo dadka shacabka ah, sidoo kale ay xaqiijin doonaan nabadda dadka halkaasi isticmaala.



From the comments