Xaalada ganacsatada soomaaliyeed, ee ku sugan dalka koonfur afrika ayaa laga deyrinayaa, xili ay sii kordhayaan weerarada hubaysan eey kaga imaanaya kooxo burcada ah, oo doonaya in ay dhacaan hantida ay halkaasi ku heystaan.
Inta badan markii la soo gaaro dabayaaqada sanad kastaa waxa ay kooxaha burcada ah ay xoojiyaan weerarada ka dhan ka ah Soomaalida maheradaha ganacsi ku leh dalkaasi, si ay u helaan hanti badan oo ay ku damaashaadaan sanadka cusub .
Axmed Aweys oo ka mid ah ganacsatda goobaha gancsi ku leh dalkaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada muqdisho ayaa Goobjoog Fm u sheegay in xaalada ganacstada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan ay xiligan tahay mid cakiran, sababtoo ah waxa yiri “waxa aad u badan weerarada ay kala kulmayaan kooxo hubaysan”



From the comments