Deegaano badan oo hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen qeybinta Abuurka oo maalmahaan ka wadeen deeganadaasi.
Liibaan Bile Xiireey oo ka mid ah gudigaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in abuur qeybintaan ay wadeen maalmo dhan 7, ayna ka faa’ideesteen dad aad u badan.
Abuurkaan ayuu sheegay in ay siinayeen dadka danta yar ee xilliyada roobka ah wax barta, waxaana uu tilmaamay in ay ka qeybiyeen sagaal Tuulo oo Afgooye hoostagta.



From the comments