U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay magaaladaasi, kaa oo dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ah Miino nooca dhulka lagu aasay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo ku dhaw aargada Kismaayo.

Qasaaraha halkaasi ka dhashay lama oga, waxaana qaraxa goobta qaraxa ka dhacay isku gadaamay ciidamada Jubba.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News