Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo is casilay (Dhageyso)
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkiisa ka dib markii uu sheegay in uu soo wajahay culeesyo kala duwan. Xildhibaankaan oo lagu magacaabo…
Published November 10, 2014
Akhris 1 daqiiqo ah
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkiisa ka dib markii uu sheegay in uu soo wajahay culeesyo kala duwan.
Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar oo ka mid ah xildhibaanada Puntland ayaa u xaqiijiyay Goobjoog Fm, in xildhibaankaan is casilaadiisa ay ka dambeysay ka dib markii xaalad caafimaad ay soo wajahday.
Dhanka kale waxaa jira eedeyn xildhibaankaan is casilay ay horay ugu soo jeediyeen culimada Puntland, taa oo ku aadan sida ay sheegeen in Baarlamaanka maamulkaasi xilli uu ka hadlayay u gafay Diinta Islaamka.
Mas’uulkaan is casilay ayaa saacadaha soo aadan la filayaa in uu saxaafadda kula hadlo magaalada Garoowe, waxaana uu faah faahin ka bixin doonaa sababta ka dambeysa is casilaadiisa.
From the comments