Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa ka dhacay qarax Bam, oo waxyeelo soo gaarsiiyay dad shacab ah.
Qaraxaan ayaa lagu tuuray xarunta maamulka Magaalada Kismaayo, waxaana qaraxaan ku dhaawacmay 8 qof oo shacab ah.
Xasan Xareed oo ka mid ah mas’uuliyiinta magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in qaraxaan dadka ku dhaawacmay dhamaan ay yihiin shacab.



From the comments