Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaafka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin.
Ra’iisul Wasaarhaa ayaa ku tilmaamay khilaafka siyaasadeed noocaan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka, Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka, Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yiri RW Cabdiwali.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.



From the comments