Dowladda Australia ayaa sheegtey in ay wado qorshe ay ku hordhigeyso shirka wadamada warshadaha ku horumaray in la dhimo qarashka ku baxa lacagaha xawaaladaha la mariyo ee dadka muhaajiriinta u diraan dalalkii ay ka imaadeen, sida Soomaaliya oo kale.
Shirkani oo ka dhacaya magaalada Brisbane ee dalka Australia ayaa waxa uu qorshaha yahay in laga ansixiyo in qarashka lacagaha lagu xawilo laga dhigo boqolkiiba 5, halka hadda sharciga uu dhigayo boqolkiiba 10, iyada oo marar badan ay dadka ku gaarto boqolkiiba 20.
Qorshaha ayaa waxaa gadaal ka riixaya Ra’isulwasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi , wuxuuna doonayaa in dadka tirada badan ee Hindida ee Australia ku nool ee Hindiya lacagaha usoo dira in qarashka laga dhimo.



From the comments