Xildhibaan Maxamed Ibaarhim Xaabsade oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, uu yahay mid ka yimid dhanka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in mooshinkaan aanu ku imaan qaab sharci ah.
Aragti ahaan ayuu sheegay inuu qabo xilligaan inaan loo baahneen mooshinkaan, islamarkaana amarkiisa uu yahay mid ka yimid banaanka baarlamaanka Soomaaliya, ka dib khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh.
“Baarlamaanka gudiyo ayuu leeyahay, wasaaradaha gudi ayaa ku aadan, dastuurka gudi ayaa ku aadan, arimaha gudaha sidoo kale gudi ayuu leeyahay, maaliyadana waa sidaa, hadii gudigii shaqadaasi qaabilsanaa uu dhaliilo wasaarad, dhaliishana uu keeno baarlamaanka, taas ayaa keeni karta in laga doodo ka dibna mooshin la keeno, laakiinse maanta kolley waxaa laga doodi doonaa arinta ku aadan sharci ahaanshiyaha mooshinkaan” ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade.



From the comments