Fanaan Cabdalla Yuusuf Hanuuniye oo maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Dhageysi iyo Sawiro)
Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdalla Yuusuf Hanuuniye ayaa maanta dib ugu laabtay dalka, isaga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Fanaanka waxaa soo dhaweeyay…
Published November 12, 2014
Akhris 1 daqiiqo ah
Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdalla Yuusuf Hanuuniye ayaa maanta dib ugu laabtay dalka, isaga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Fanaanka waxaa soo dhaweeyay abwaano, fanaaniin iyo sidoo kale dad shacab ah, waxaana uu si kooban ula hadlay saxaafadda isaga oo ku sugan garoonka Muqdisho.
Hanuuniye ayaa sheegay in dalka uu dib ugu soo laabtay si uu uga qeyb qaato nabadda, iyo dib u dhiska waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Hanuuniye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan aayaha dalka.
From the comments