Markii ugu horey maanta waxaa dalka Itoobiya loo ambobixiyey illaa 52 arday oo deeq waxbarasho ka heley dalkaasi, waxaana garoonka dayuuradaha kusii sagootiyey wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamed.
Ardaydayni ayaa waxa ay wax ka baran doonaan jaamacaddo ku yaala magaalada Addis Ababa kadib deeq waxbarasho oo dowladda Itoobiya ay siisey dowladda Soomaaliya.
Qaar ka mid ardaydii ka ambobaxaysay garoonka dayuuraha Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay heleen.



From the comments