Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in ay jiraan howlgalo habeen iyo maalin ah oo ay wadaan ciidamada maamulkaasi, taa oo loogu tala galay in amniga degmada Cadaado lagu xaqiijiyo.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dadaalka ay ku jiraan ay tahay sidii si nabad ah loogu qaban lahaa shirka maamulka loogu dhisaayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.
Maanta ayuu sheegay in la filaayo degmada Cadaado inay gaaraan, wufuud badan oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalama iyo gudiga farsamada ee dhismaha maamulkan.



From the comments