Siyaasi Cabdi Xaashi Cabdirisaaq ayaa sheegay in khilaafka ka dhex taagan madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya uu luminaayo fursado badan oo dalka usoo socday.
Waxa uu sheegay siyaasikgaan in tani sidoo kale culeys xoogan uu ku keenaayo hiigsiga 2016-ka, waxaana uu tilmaamay caalamka ay sidoo kae niyad jab u keeni doonto.
Mar aynu wax ka weydiiyay aragtidiisa ku aadan mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay, in midaasi ay tahay fursad lumin, hadda iyo kowna Ra’iisul wasaare kale la raadiyo, balse waxa uu soo dhaweeyay xildhibaanada qaba aragtida ah in wax walbo wada hadal lagu dhameeyo.



From the comments