Illaa nus malyuun qof oo qaxooti ku ah dalka Kenya, kuwaasi oo badankooda kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa wixii barito ka biloowda waxaa wajahaysa cunto yari kadib markii barnaamijka cunada adduunka ee WFP ay boqolkiiban konton %50 dhintey garaamka raashiinkii ay qaadan jireen.
WFP waxa ay sheegtey in tani ay ugu wacantahay qarash yaraan iyo lacagihii loogu yaboohi jirey intii ay u baahneyd oo aysan helin, waxayna hey’adda awoodi weysey in ay hesho $38 malyuun oo lagu qeybin lahaa raashiinka lixda bilood ee soo socota.
Waxaa lacagtani qeyb ka ah $15.5 malyuun oo doolar oo si degdeg ah loogu baahanyahay bisha Janaayo sanadka 2015-ka.



From the comments