Sida ay sheegtey hey’adda mashaariicda horumarinta Qaramada Midoobey ee UNDP, waxaa heshiis wada saxiixday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka iyo UNDP kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Soomaaliya gacan looga siin lahaa dhismaha maamul goboleedyada dalka.
Waxaa heshiiska qalinka ku duugey wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Saalax, halka UNDP uu u saxiixay agaasimahooda Soomaaliya George Conway.
Mashruuca waxaa toos u fulinaya UNDP oo kaashanaysa UNSOM , halka dowladda Federaalka ay samaynayso fududeyn.



From the comments