Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa walaac xoogan waxay ka muujiyeen xirnaanshiyaha wadooyinka gala degmada Buulo Burde ee gobalkaasi.
Nabadoon Xuseen Cabdi Mataan oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee degmada Builo Burde ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo xagga nolosha ah, islamarkaana ay ka walaacsanyihiin wadooyinka xiran.
Nabadoonkaan ayaa sheegay in magaaladaasi sidoo kale ay ku suganyihiin dad barakacayaal ah oo uu sheegay in guryahooda laga soo gubay, kuwaa oo aan hoyaad iyo cunto aan haysan.



From the comments