Hay’ada DRC ayaa markii ugu horeeysay qoysaskii ka barakacay Fatahaada Wabiga Shabelle ee kunool deegaanka Ceeljaale ee gobalka Hiiraan waxa ay gaarsiisay adeegyo isugu jira Baco,Maro-kaneeco,bustooyin iyo alaabta raashinka lagu karsado.
In ka badan Kun qoys ayaa ka faa’ideeystay adeegyadan,waxaana qeybinta, ka qeyb qaadanayay Maamulka degmada iyo Talisyada Booliiska baladweyn iyo Amisom.
Duqa Magaalada Beledweyn Cumar Baadiyoow ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale inaay ka qeyb qaataan Gargaarka loo sameeynayo dadka, waxaana uu ka mahad celiyay qeybinta Alaabta DRC.



From the comments