Gadiidleyda ka shaqeeya deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku dhawaaqay shaqo Joojin ay sheegeen in ay bilaabeen maalintii shalay ahayd.
Darawalada gaadiidka ka shaqeeya degmada Qoryooleey iyo deegaano kale oo gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah ayaa sheegay in ay la kulmeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay u geestaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya.
Gudaha degmada Qoryooleey iyo duleedka degmadaasi ayeey sheegeen in looga qaado lacago xad dhaaf ah, taasna ay u arkeen in aysan kusii shaqeyn jiray.



From the comments