Koox faneedkii caanka ahayd ee Dur-Dur ee xiligii dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre ayaa dib looga asaasay dalka Maraykanka, iyaga oo magaalada Minneapolis ka qabtay bandhig faneed ay si weyn oga soo qeybgaleen Soomaalida dalkaasi ku nool.
Dur-Dur oo ahayd koox si gaar ah loo leeyahay ayaa waxa ay soo shaacbaxday sanadkii 1981-dii, iyada oo durbadiiba usoo shaac baxday, dadkuna aad u jeclaayeen.
Laakiin waxa ay kooxda qadka ka baxday 1991-dii markii dalka ay ka biloowdeen dagaaladii sokeeye, waxayna xubnaha kooxda u qaxeen dalka Itoobiya halkaasi oo ay ku sugnaayeen 12 sano ka hor intii aysan u dhoofin dalalka Maraykanka, Canada iyo Ingiriiska.



From the comments