Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo kaashaneysa Wasaaradda Warfaafinta ayaa markii ugu horeysay muddo 24 sano ah kadib Fanaaniin kala duwan oo heer qaran ah ay u diri doonaan dalka dibaddiisa , si ay u kororsadaan aqoon , una muujiyaan awoodda fanka iyo dhaqanka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa sare uga qaaday heerka ay taagneyd maqaamka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dowladda muddo sanad ka hor , isagoo xoojiyay kaalinta dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay go’aanada ka soo baxa Ururada gobolka iyo kuwa caalamiga .
Wasiir Beileh waxa uu dadaal dheeraad ah ku bixiyay isbadal la taaban karo oo ka dhaqan-gala fulinta qorshayaasha kala duwan ee Wasaaradda , taasoo qeyb ka ah horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed , waxa ayna Wasaaraddu kala kaashatay arrinkan Wasaaradaha Warfaafinta iyo Tacliinta sare , si fanka Soomaaliyeed u noqdo mid ka dhex muuqda fanka wadamada kale .



From the comments