Wasiirka arrimaha ganacsiga iyo cunada ee dalka Denmark ayaa sheegey in dowladiisa ay Soomaaliya ugu yaboohdey illaa 60 malyuun doolar taasi oo wax looga qabanayo cuno yaraanta iyo abaaraha Soomaaliya ka jira.
Sida uu qorey wargeyska Folketidende ee kasoo baxa Norway, wasiirka Morgans Jensen ayaa sheegey in wadarta gargaarka Denmark ay siisey Soomaaliya lacag dhan 113 malyuun oo doolar sanadkani 2014-ka oo kaliya.
Wasiirka waxa uu sheegey in lacagtani wax looga qabanayo nafaqo darada carruurta iyo dadka kale ee macaluusha ay heysto iyo hawlaha biyo dhaaminta.



From the comments