Kadib wafti wasiiro ah oo shalay safar ku tagay magaalada Kismaayo ayaa heshiis is afgarad ah lasoo saxiixdey maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna heshiiska ka hadlayaa isku dhafka ciidamada…
Published November 16, 2014
Akhris 3 daqiiqo ah
Kadib wafti wasiiro ah oo shalay safar ku tagay magaalada Kismaayo ayaa heshiis is afgarad ah lasoo saxiixdey maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna heshiiska ka hadlayaa isku dhafka ciidamada iyo waliba in adeegyada dowladda la gaarsiiyo Jubbooyinka.
Hadaba halkan hoose ka akhri qodobadii lagu heshiiyey
Heshiis Is Afgarad ah oo Dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka ku Meel Gaarka ah ee Jubba
Waxaa booqasho qaadatay maalin ku yimid magaalada Kismaayo wafdi ka socday dowladda Federaalka ee Soomaliya kana koobnaa sidan:-
Waxaa dhanka maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba uga qeybgalay shirka koox wasiirro ah oo loo qorsheeyey in ay iyaguna ay mataal maamulka Jubba Kuwaas oo kala ah:-
Wadahal dhexmaray labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:
Waxaa la isla meel dhigay in laga sameeyo gobollada hoos yimaada maamulka Jubba Ciidan qaran, oo isu dheellitiran iskuna dhafan lagana soo qoro jubbooyinka oo ay hadda isugu soo urureen nabad diidka Al Shabaab.
In maamulka Jubba helo taageero deg deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada.
In Guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg deg ah uga howlgalaan maamulka Jubba si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca Ciidamada qaranka iyo diiwaangelintooda.
Waxaa lagu heshiiyey in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya maamulka Jubba la qoondeeyo iyo in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43aad iyo 60aad dib loo howlgeliyo si ciidamada loogu tababaro.
In dib loogu yeero wixii ka haray ciidankii qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo.
In Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya maamulka Jubba si deg deg ah loola soo gaaro agabka ciidan maamlmaha soo scoda si howlgalkoodu u sii socdo.
In wixii ku saabsan arrimaha Booliiska iyagana laga taageero Ciidamada boliiska ee Jubba
In xafiiska arrimaha socdaalka si deg deg ah looga yagleelo magalada Kismaayo.
In hey’adihii taageerayey Booliiska maamulka Jubba loo fasaxo dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga xiran.
From the comments