FAAH FAAHIN:- Qarax ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee Muqdisho (Dhageysi iyo Sawiro)
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaa oo qasaare sababay. Warar hordhac ah oo ay heshay Goobjoog Fm, waxay…
Published November 16, 2014
Akhris 1 daqiiqo ah
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaa oo qasaare sababay.
Warar hordhac ah oo ay heshay Goobjoog Fm, waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay Hal qof oo ahaa shaqsigii gaarigaasi wadayay, iyadoo Haweeney ay ku dhaawacantay.
Qaraxaan waxaa la sheegay in uu ku xirnaa gaarigaasi, waxaana qaraxa ka dib halkaasi gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, oo baaritaano sameeyay.
From the comments