Maamulka Gal-mudug State ayaa laga dalbaday in deg deg ay ku xaliyaan xiisad ka taagan deegaanka Wisil ee gobalka Mudug, ka dib is rasaaseyn iyo dibadbax halkaasi ka dhacay.
Dhalinyaro ka caraysan in la dhisto goob ay kubad ku xiyaaraan ayaa la sheegay in ay soo qaateen hub, kadib markii dadkii dhulkaasi dhisan lahaayeen isku dayeen in dhalinyarada xoog ku maquuniyaayn, halkaasi oo israsaaseyn ay ka dhacday.
Dhanka kale dhalinyarada waxay bilaabeen dibabax xoogan, waxaana dibadbaxa uu ahaa mid deegaanka oo dhan saameyn xoogan ku yeeshay, iyadoo ilaa maanta aanu jirin wax ganacsi ah.



From the comments