Khudbadihii ay Jeediyeen Musharixiinta Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed
Waxaa soo xirmey khudbadihii ay jeediyeen musharixiita madaxweynenimo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo barito lagu wado in loo codeeyo musharixiinta. Waxaa xilka isu soo taagay shan musharax oo…
Published November 16, 2014
Akhris 2 daqiiqo ah
Waxaa soo xirmey khudbadihii ay jeediyeen musharixiita madaxweynenimo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo barito lagu wado in loo codeeyo musharixiinta.
Waxaa xilka isu soo taagay shan musharax oo kala ah
Isaga hadal dheer ma uusan jeedinin, wuxuu amaanay dhabar adeega iyo dadaalka ergada ay ku bixiyeen shirka, wuxuu ka codsaday in ay u codkooda siiyaan, wuxuuna intaasi ku daray in haddii la doorto uu ku dadaali doono caddaaladda.
Wuxuu sheegey in uu yahay hogaamiye da’ yar oo isbadal doon ah, haddii la doortane ay dowladiisa lahaan doonto sedex tiir, tiirka ugu horeeyana uu noqon ku dhaqanka diinta Islaamka.
DhAGAYSO
Maxamed Xassab Faqi
Wuxuu sheegey in dadka ay xantaan Koonfur Galbeed, laguna sheego dad aan waxbo qabsan karin, wuxuu yiri ‘Waxaan dooneynaa in aan adduunka iyo Soomaalida kalaba tusno in aan wax qabsan karno” .
DHAGAYSO
Aabo Awoow Suufi Xaaji Cafaan
Wuxuu ahaa musharixii khudbadii ugu dheereyd ka jeediyey meesha, wuxuu sameeyey balanqaadyo badan isaga oo sharaxay dhamaan waxyaabaha uu qaban doono, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan wax ka qaban arrimaha koow beeraha, dekadaha , warshadaha, kaluumeysiga, dalxiiska iyo kheyraadka kale ee dhulka dowlad goboleedka koonfur galbeed illaahay ku manaystey, Waxaan abuurayaa suuq ganacsi, illeen shaqadeey waaye ganacsi, suuq ganacsi oo xor ah oo ka kooban dhoofinta wax soo saarka dhulka iyo soo iibinta waxa dibada looga baahanyahay,”
From the comments