Deegaano ka mid ah maamulka Somaliland waxaa shalay ka dhacay rabshado sababay dhimsaho iyo dhaawac, waxaana sidoo kale jiray hadal hayn aad u badan oo dhanka shacabka ah.
Magaalada Burco ayaa ka mid ahayn meelaha qasaaraha dhimashada ay ka dhacday, ka dib markii ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo dibadbax dhigaayay.
Dhanka kale waxaa jawi ahaan degan xaaladda guud ee magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo shalay xiisad ahaan aad u kacsaneyd, waxaana saaka dadka ay yihiin kuwo si caadi ah u wato howlahooda shaqo.



From the comments