Deegaanka Buurdhuubo ee gobalka Gedo waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan raashiin la’aan iyo biyo yari aad u baahsan, taa oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada halkaasi ku sugan.
Gudoomiyaha degmadaasi Xasan Maxamed Cali oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in xilligaan ay aad u dhiban yihiin dadka ku dhaqan deegaankaasi.
Dadka qaar ayuu sheegay in aysan helin xitaa hal waqti wax ay cunaan, waxaana uu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi.



From the comments