U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Hoobiyeyaal Lagu Riday Dhanka Madaxtooyada

Sheeko:Dalka

Wax yar ka hor waxaa la maqlay dhawaqa iyo dayaanka madaafiic nooca hoobiyaha ah kuwaas oo lala beegsanayey dhinaca madaxtooyadda Soomaaliya.

Wararka nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in madaafiicda ay gaarayeen ilaa iyo madfac, balse ma aysan haleelin madaxtooyada, waxayna ku dhaceen meel ku dhow madaxtooyada.

Lama oga waxyeelo ay geysteen madaafiicdaas, laakiin taasi waa bog kale oo ka mid ah falalka ammaan daro ee sii kordhaya maalmihii ugu dambeeyey.

Maanta abbaarihii duhurnimo ayey ahayd markii wadada Makka Al Mukarama uu ku qarxay gaari marayey halkaas oo uu ku dhintay wadihii gaarigaas.

 

Goobjoog News