Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya Ilyaas Barre Shiil , islamarkaasina ah guddoomiye ku xigeenka gudiga difaaca iyo arrimaha dibada Kenya ayaa beeniyey warbixin ay dhawaan qortey jariidada Star ee Nairobi kasoo baxda, taasi oo sheegtey in gudigani uu baarlamaanka u gudbiyey mooshin xukuumada looga codsanayo in ay xiriirka u jarto Soomaaliya, ciidamada Kenyana laga soo saaro Soomaaliya.
Xildhibaanka oo waraysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegey in warbixintooda waxa ku xusan ay yihiin in la xoojiyo xiriirka labada dal, lana furo safaaraddii Kenya ee Soomaaliya maadaamaa ay Soomaaliya joogaan dad badan oo muwaadhiniin Kenyan ah oo ka shaqaysta.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay muranka badda ee labada dal u dhaxeeya, isagoo sheegey in arrinkaasi uu yahay mid yaala maxkamad, aysana u oolin baarlamaanka “Haddii dal uu dareemo in looga gar daranyahay arrin xaq ayuu u leeyahay in uu maxkamad aado, waana arrin iska caadi ah “ ayuu yiri Ilyaas oo intaasi ku daray in muranka dhul badeedka uusan ahayn mid ku kooban labada dal oo kaliya, balse yahay mid adduunka dhan ka dhaca.



From the comments