Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in khalalaasaha ka taagan baarlamaanka dhexdiisa ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo uu ka mid yahay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
Abuukaate Xoosh Jabriil ayaa carrabka ku adkeeyay in wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Mr. Nicholas Kay sidoo kale rag kale oo ajnabi ah ay gacanta kula jiraan siyaasadda dalka Soomaaliya.
Xildhibaannada diidan mooshinka ayuu ku eedeeyay inay dagaal ka riixayaan beesha caalamka oo uu ku sifeeyay in xiligani aysan wadin danta dadka iyo dalkaba.



From the comments