Shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan ay lasoo deristay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, waxaana lagu baaqayaa in gurmad lala soo gaaro dadkaasi.
Nabadoon Faarax Raage oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ayaa u sheegay Goobjoog, in amni ahaan degmada ay wanaagsan tahay, hase ahaatee ay u baahanyihiin xilligaan kaalmooyin dhanka nolosha ah.
Fatahaadihii uu sameeyay Wabiga Shabelle ayuu sheegay in saameyn uu ku reebay, waxaana uu tilmaamay in dadka ku dhaqan degmadaasi ay haysato cunno la’aan iyo caafimaad darro.



From the comments