Dib u habeyn xoogan ayaa haatan lagu wadaa wadooyinka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe, iyadoo qarashka dhismahaan ku baxaaya la sheegay in ay bixinayso dowladda Ingiriiska.
Wadooyinka dayactirka lagu wado waxaa laga joojiyay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana si xowli ah u socda howlahaan dib u habeynta.
Maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in tani bilaw ay u tahay isku day lagu doonayo in dhamaan degmooyinka gobalkaasi sidaan oo kale dayactir looga sameeyay.



From the comments