Shariif Xuseen Rooboow oo ah qabiir dhanka amaanka ah ayaa sheegay in xilligaan aysan sahlaneen in la’isku dhafo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba, ka dib arimo uu sheegay in horay ciidamadaasi usoo dhex mareen.
Xilligaan waxa uu sheegay in aanu Federaalka dhaqan galin, islamarkaana ciidamada hadii la’isku dhafaayo ay u baahan yihiin tababaro wanaagsan, in ay is dhex gali karaan, islamarkaana aanu wax cuqdad ah isku qabin.
Waxa uu sheegay in aysan sahlanaan doonin ciidamadaasi oo meel la wada geeyo, sidoo kalena dowladda looga baahan yahay in marka hore ciidamadii dagaalamay la’isku keeno la siiyo tababar guud, meeshana laga saaro qabiilaysiga.



From the comments