Xildhibaano ka tirsan federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn u qaadacay doorashadii shalay magaalada Baydhabo lagu doortay Sharif Xasan Sheekh Adan inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
Xildhibaan Sammaan oo ka hadlay shirkaas Jaraa’id ayaa sheegay inuu shirkooda ku saabsan yahay arintii naxdinta iyo dhibaatada laheyd ee dilka loogu geystay rayidka iyo been abuur iyo been isku baheysi uu tilmaamay doorashadii Sharifka.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Nur Modoobe, Saciid Maxamed Cali, Sammaan Sheekh Dahir, Maxamed Ibrahim Xaabsade, Maxamed Xuseen Isaq(Afaraale) iyo Bishaaro Cabdi ayaa doorasharada Sharifka ku tilmaamay mid lagu deg degay.



From the comments