Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa taageeray doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, taa oo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loogu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanadaan ayaa kulankaan taageerada ah waxa ay kasoo saareen bayaan ay ku sheegayaan in ay aad ugu taageersan yihiin doorashadii shalay dhacday.
Waxay sheegeen in shirkii lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.



From the comments