Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhaba ee lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, taa oo loogu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu noqdo hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ergayga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay soo dhaweyntaan, waxaan uu u qornaa sidan:-
Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Somaaliya James P. McAnulty ayaa waxaa uu soo dhaweynayaa doorashadda dhacday November 17, taasi oo madaxweynaha maamulka ku meel-gaarka ee koonfur galbeed loogu doortay Sharif Hassan Sheikh Adan. Maamullka ku meel gaarka ee Konfur Galbeed ayaa ka kooban Bay, Bakool iyo Shabelladda Hoose.
Dowladda Mareykanka waxay u hanbalyeyneynaa dhamaaan qeybaha kala duwan ee ka qeybqaatay wadahadaladdi socdey bilooyinkii la soo dhaafay, kuwaasi oo surtagaliyey in doorasho nidaamsan ay dhacdo.
Waxaan kaloo aqoonsanahay doorka ay dowladda federalka ka qaadatey surtagalinta maamul dhisiddan iyo dib u heeshisinta guud. Waxaana ku boorineynaa dowladda federalka inay sii wadoo surtagalinta higsiga 2016 oo ay ka mid tahay maamul u sameynta gobaladda.
“Dowladda Mareykanka waxay soo dhoweyneysaa doorashadan taarikhiga ah,waxayna ku boorineysaa madaxda mamulka kumeel-gaarka ee Konfur galbeed inay tabaha u dhigaan maamul ay u wada dhanyihiin dadka deegaanka, kana bahi tiro dhamaan alaadaha ay u baahanyihin dadka goboladddan dago. Waxaan kaloo ku dhiiragalineynaa maamulka ku meelgaarka ee waqooyi galbeed inay wada shaqeyn iyo la tashi la sameeyaan dowladda federalka si loo suurtagaliyo in mustaqbalka maamul goboleed kamid ah dowladda federal uu ka dhasho gobolka,” ayuu yiri Ergeyga Mareykanka ee Somalia, James McAnulty.
Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda Soomaliya iyo shaabka Soomalida, waxay taageereysaa in Somaaliya ay gaarto nabada buuxda iyo mustaqbal barwaaqo u sida shacabka Somaaliyeed.
Goobjoog News