Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay Allaha u naxariisteen Wariye Cabdirisaaq Cali Silver oo ka mid ah saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo.
Dilka wariyaha ayaa ka dhacay xaafadda Israaca ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkaasi ka dambeeyay rag Bistoolado ku hubaysan.
Silver ayaa ku sugnaa sida la sheegay goob lagu shaaho, waxaana dilka markii uu dhacay ka dib goobta ka baxsaday ragii falkaasi ka dambeeyay, sida ay inoo sheegtay Ladan Cabdi Qeyr oo ka mid ah saxafiyiinta halkaasi ku sugan.



From the comments