Maamulka Gal-mudug State ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Sedaxda gobal ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ka dib doorasho ay sameeyeen ergadii ku shirsaneyn magaalada Baydhaba.
Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa sheegay inShariif Xasan uu yahay shaqsi siyaasadda aad ugu dheer, islamarkaana wax badan ka bedali kara xaaladda guud ee gobalada loo doortay.
Ka maamul ahaan ayuu sheegay in wada shaqeyn ay la yeelan doonaan, islamarkaana sidoo kale ay diyaar u yihiin in ay kulamo la qaataan, waa sida uu hadalka u dhigaye.



From the comments