Qoraal kooban oo uu soo saaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamka waxa uu ugu baaqay in ay diiradda saaraan faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.
Qoraalka ayaa sidaan hoose u qornaa:-
Copenhagen, 18 November 2014 – Ka hor inta aanay billaaban Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare (HLPF) taas oo ka dhacaysa Copenhagen 19ka November, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka inay diiradda sii saaraan ka miradhalinta faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.



From the comments