Wararka naga soo gaaraya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa sheegaya in halkaasi uu ka furmay shirkii la sugaayay ee looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka.
Furitaanka shirkaan waxaa lasoo sheegayaa in khudbado ay ka jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Haweyneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Denmark Helle Thorning-Schid iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jefrfrey Feltman.
Shirkaan oo Laba maalin socon doona ayaa hadda xubnaha ka qeyb galaaya waxay guda geli doonaan arimo ay ka mid tahay horumarka dalka, dhismaha maamul gobaleedyada iyo arimo kale oo u badan Hiigsiga 2016.





From the comments