Wasaaradda Arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in colaad iyo iska horkeen ka dhex abuurayso shacabka wada degan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.
Aqoonyahan Ibraahim Muuse Heero oo ka mid ah aqoonyahanada kasoo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulaahi Goodax Barre aqoonsigii uu siiyay Shariif Sheekh Aadan uu dano gaar ah ka lahaa.
Heero ayaa tilmaamay in wasiir goodax uu aad ugu qaldanaa aqoonsashada Shariif Xasan oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.



From the comments