Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka u soo jeediyay inay ka shaqeyso mideynta siyaasiyiinta Baydhabo oo qaarkood aragti ahaan aad u kala fog.
Xildhibaan Maxamed Afaraale ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aysan ka dhicin wax doorasho ah ka dib markii ergo ku shirsanayd magaaladaasi ay madaxweyne u doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxa uu tilmaamay in la qaban qaabaniyo shirweyne la isugu imaanayo dhammaan siyaasiyiinta gobaladaasi Koonfur Galbeed kaas oo goobjoog ay ka noqon doonaan wakiilo ka socda beesha caalamka.



From the comments