Wararka naga soo gaaraya Hiiraan waxa ay sheegayaan in meel magaalada Baladweyne u jirta 90km dhanka Galbeed oo lagu magacaabo Buqa Qable in lagu kufsaday afar dumar ah oo rakaab ahaa, kuwaasi oo lagala dagay gaarigii ay saarnaayeen, islamarkaasina la dhaawacay darawalkii gaariga.
Guddoomiyaha Baladweyne Maxamed Cusmaan iyo Taliyaha Saldhigga Baladweyne Cali Dhuux oo Goobjoog ay wax ka weeydiisey falka kufsiga ee dhacay ayaa sheegey in markii ay warka maqleen ay u birmadeen meeshii falka ka dhacay, balse ay soo waayeen wax dad ah oo hubeysan.
Waxa ay intaasi ku dareen in aysan jirin cid saldhiga timid oo keentey dacwad la xiriirta kufsi.



From the comments