Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Maandoriyaal kala ah Xashiis iyo Calaq, ka dib howlgal ay halkaasi ka sameeyeen.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in maandooriyahaan lagu iibin jiray guri halkaasi ku yaala.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada howlgalkaan sameeyay ay isugu jireen Booliis iyo Nabad Sugid, islamarkaana la qabtay dadkii Iibin jiray.



From the comments