Gudiga gadiidleyda degmada Afgooye ayaa soo dhaweeyay howlgal dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen wadooyinka gala degmadaasi, iyadoo halkaasi laga qaaday Isbaarooyin yaalay.
Xuseen Cilmi oo ka mid ah gudigaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay aad u wanaagsan tahay wadada islamarkaana laga qaaday Isbaarooyin dhibaatooyin lagu qabay yaaleen.
Waxa uu sheegay in hadda gaadiidka ay wadooyinka ku maraan si caadi ah, islamarkaana aysan arag askar lacago ka qaatay sidii halkaasi horay looga bartay.



From the comments