Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Denmark ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo sheegay in xalinta khilaafkaan ay Soomaalida dhexdeeda u taalo.
Waxa uu sheegay in xilligaan lagu kala aragti duwan yahay arimo ku aadan dhanka siyaasadda, isaga oo sheegay in xalka si gaar ah looga sugaayo baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale tilmaamay in kalsooni uu ku qabo xalinta khilaafkaan.
“Soomaaliya wey kasoo gudubtay markii inta qoray la’isku qaato la’is xabadeen jiray, waxa laga hadlayaa mar walba waa siyaasad, siyaasadana waa lagu kala aragti duwanaadaa, sida baarlamaanada iyo dowladaha aduunka ka jira, marka arinta wey socotaa, Soomaalida hay’adaheeda, baarlamaankeeda, xukuumadeeda, weli gacanta ayeey ku hayaan, howshaan Soomaali ayaa iskaleh, Soomaalida ayeey u taalaa inay xalisato, dadka caalamka wey na kaalmeen karaan, ra’yi wey noo sheegi karaan, waxyaabo ay dareemayaa ama rabaan wey noo sheegayaan, laakiinse waxa xalka lagu sugaayo waa Baarlamaanka Soomaaliya, shacabka iyo xukuumada, taasna kalsooni buuxdo ayaan ku qabaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.



From the comments