U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Majaajiliiste Cabdi Maxamuud Ilkacase oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Nofeembar 21, 2014

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in uu dhintay Majaajiliiste Cabdi Maxamuud Ilkacase oo ka mid ahaa Majaajiliistayaasha Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa ku geeriyooday hoygiisa ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu xanuunsanaa Todobaadyadii lasoo dhaafay.

Ilka Case ayaa ahaa shaqsi ay aad u wada garanayeen bulshada Soomaaliyeed, iyadoo ilaa hadda aan naloo sheegin xanuunka hayay waxa uu ahaa.

Warkaan oo faah faahsan la soco goor dhaw.

Goobjoog News