Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka tanaasuleed mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshiroow oo ka mid ahaa xildhibaanadii mooshinkaan keenay ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in markii ay arkeen marxaladda dalka uu ku jiro, ay go’aan ku gaareen in ay ka tanaasulaan mooshinkii ay keeneen.
“Mowqifka xildhibaanada qaarkood ee ku aadanaa mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha wuu is bedalay, si loo bad baadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ka Abshiroow ahaan waxaan cadeynayaa inaan ka tanaasulay mowqifkii hore, diyaarna u nahay inaan umadda bad baadinno, iyo sidoo kale in aan la kala qeybin baarlamaanka dalka” ayuu yiri Xildhibaan Abshiroow



From the comments