Waxaa gabi ahaanba xirmey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kadib roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ayay maalmahan.
Goobjoog oo wax ka weeydiisey arrinkani guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Baladweyne Sheekh Cusmaan Cali ayaa waxa uu sheegey in garoonka xirnaanshihiisa ay ugu wacantahay iyada oo aanan laga qaban hawshii ay ahayd in laga qabto.
Garoonka oo ah ciid, islamarkaasina aanan lahayn dhabihii laamiga ahaa ee dayuuradaha ku ordayeen, waxayna tani keentey in ay biyo fariistaan.



From the comments