Waxaa dib hawada ugu soo laabtay isgaarsiinta magaalada Baydhabo taasi oo saacado badan hawada ka maqneyd kadib markii dagaalo ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Baydhabo iyo Wanla Weyn.
Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Baydhabo, waxaa la arkayay ciidamada dowlada oo qabqabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay amni daro ka shaqaynayeen.
Waxaa kale oo magaalada galay kolonyo gaadiid ah oo waday kunteenaro la sheegey in ay u socdeen ciidamada AMISOM, kuwaasi oo ahaa kuwii dhexda uu dagaalka ku heley meel u dhow magaalada Buur Xakabo.



From the comments